Winamp Logo
PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION Cover
PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION Profile

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION

Somali, Education, 2 seasons, 17 episodes, 14 hours, 37 minutes
About
Avalites Foundation waa haayad aqooneed iyo dhaqan/saqaafo oo deggan Boorama, kana hawlgasha magaalooyinka kale ee Soomaalilaan iyo Soomaalidaba. Avalites waxa ay beegsanaysaa in ay qabato shaqo dhaqan (cultural work) dhab ah, eber aan ka bilaabayn ee ku duldhisaysa kuwii ka horeeyay, beegsanysana intifaaca aadamaha Soomaaliyeed. Halkan waxa aad kala socod doontaan Boodkaasyo (podcasts) ay samayso haayaddu iyo kulammada aqooneed ee kale ee ay fuliso. La soco, lana socodsii ciddii ka faa'iidaysan karta. Mahadsanid.
Episode Artwork

Dhaxalkii Aqooneed ee Maxamad Daahir Afrax | CAMBAABUR PODCAST #8

09 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa. Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada badnaa. Dhan kale waxa ay is dul taagayaan sidii ay ku barteen, sidii ay warka geeridiisa ku maqleen, macnihii uu Afrax ugu fadhiyay hidda qoran ee umadda Soomaaliyeed iyo sida loo xasuusan doono. Naxariistii janno Eebbe ha ka waraabiyo Afrax. Qoyskiisii iyo akhristayaashiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo. Dhagaysi wanaagsan. *** Cambaabur Pocast kal soco:  Apple Podcasts https://apple.co/3nAj3Bg Spotify https://spoti.fi/3nz0762 Google Podcasts https://bit.ly/3xzwje5 Anchor https://bit.ly/3nz2Hcl Breaker https://bit.ly/3u98hED Overcast https://bit.ly/3gPsfR9 Pocket Casts https://bit.ly/3t7g7NZ RadioPublic https://bit.ly/3e41LcQ Youtube https://bit.ly/3em1X7r Iyo meel kasta oo kale oo aad Podcast-yada ka macmiilato. SUBSCRIBE oo ku taxnaw.
10/22/20211 hour, 6 minutes, 4 seconds
Episode Artwork

Sooyaalkii iyo Waayihii Maxammad Daahir Afrax | CAMBAABUR PODCAST #7

09 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa. Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada badnaa. Dhan kale waxa ay is dul taagayaan sidii ay ku barteen, sidii ay warka geeridiisa ku maqleen, macnihii uu Afrax ugu fadhiyay hidda qoran ee umadda Soomaaliyeed iyo sida loo xasuusan doono. Naxariistii janno Eebbe ha ka waraabiyo Afrax. Qoyskiisii iyo akhristayaashiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo. Dhagaysi wanaagsan. *** Cambaabur Pocast kal soco:  Apple Podcasts https://apple.co/3nAj3Bg Spotify https://spoti.fi/3nz0762 Google Podcasts https://bit.ly/3xzwje5 Anchor https://bit.ly/3nz2Hcl Breaker https://bit.ly/3u98hED Overcast https://bit.ly/3gPsfR9 Pocket Casts https://bit.ly/3t7g7NZ RadioPublic https://bit.ly/3e41LcQ Youtube https://bit.ly/3em1X7r Iyo meel kasta oo kale oo aad Podcast-yada ka macmiilato. SUBSCRIBE oo ku taxnaw.
10/21/202146 minutes, 32 seconds
Episode Artwork

SHEEKO-FANEEDDA: Sooyaalkega, Jaadadkeega, Sida Loo Akhriyo| Maxamed Siciid Mire | CAMBAABUR PODCAST

Waa mar kale iyo Cambaabur Podcast Waxa marti ku ah Maxamad Siciid Mire. Waa qoraa u dhuundaloola sheekooyinka, waxna ka qora. Waxa aan kala sheekaysannay: Sooyaalka Sheeko-faneedda, Sheekafa, sheeko xariirta iyo jaadadka kale ee sheekaynta xidhiidhka ka dhexeeya, Jaadadka sheeko-faneedka, Sheeko-faneedku aqoon ma xambaari karaa, iyo arrimo kale oo sheekada la xidhiidha. Dhagaysi wacan #Sheeko, #SheekoFaneed, #Sheekayn, #Riwaayad, #SheekadaSoomaalida, #SheekafaneeddaSoomaalida, رواية_الصومالية#, #SomaliNovel
8/15/20211 hour, 11 minutes, 13 seconds
Episode Artwork

XADAASADA-KA-DIB: SIDEE AYAY U NAQDISAY XADAASADA | CAMBAABUR PODCAST |#05| CUMAR CALI BAASHE (2/2)

Waa Cambaabur Podcast #5   Kulankan waxa uu daba socdaa kii hore ee #4, Cumar Cali Baashe ayaa sii  wada qaadaadhigista fahanka XADAASADA IYO XADAASADA-KA-DIB. Qaybtanna  waxa aan ku eegaynaa sida uu dhaqdhaqaaqa XADAASADA-KA-DIB U NAQDIYAY  XADAASADA?  (Xadaasada-ka-dib/Post Modernity/ما بعد الحداثة ), si lamid  ah sidii horena waxa aan ka hadli doonna curashadeedii iyo  taabbagalkeegii, dhinacyada ay saamaysay/ka koobantahay iyo fikradaha  seesdhigga u ah.    Cumar waa aqoonyahan ku takhasusay Dhaqaalaha iyo Horumarinta  Dhaqaalaha, daneeya oo wax ka qora dhaqanka (saqaafada), falsafadda iyo  arrimaha danta guud.    ***   Ku Taxnaw Cambaabur Podcast oo kala soco:  Apple Podcasts https://apple.co/3nAj3Bg  Spotify https://spoti.fi/3nz0762  Google Podcasts https://bit.ly/3xzwje5  Anchor https://bit.ly/3nz2Hcl  Breaker https://bit.ly/3u98hED  Overcast https://bit.ly/3gPsfR9  Pocket Casts https://bit.ly/3t7g7NZ  RadioPublic https://bit.ly/3e41LcQ  Youtube https://bit.ly/3em1X7r  Iyo meel kasta oo kale oo aad Podcast-yada ka macmiilato.  Ku taxnaw oo SUBSCRIBE - LIKE - SHARE.    #AvalitesFoundation​  #CambaaburPodcast
5/7/202143 minutes, 11 seconds
Episode Artwork

XADAASADA: MAXAY TAHAY, SIDEE AYAY SE U CURATAY? | CAMBAABUR PODCAST | #04 | CUMAR CALI BAASHE (1/2)

Waa Cambaabur Podcast #4    Kulankan waxa uu Cumar Cali Baashe ku qaadaa dhigayaa fahanka XADAASADA:  MAXAY TAHAY, SIDEE AYAY SE U CURATAY?  (Xadaaso/Modernity/الحداثة ),  curashadeedii iyo taabbagalkeegii. Sidaas oo kale dhinacyada ay  saamaysay/ka koobantahay iyo fikradaha seesdhigga u ah.    Cumar waa aqoonyahan ku takhasusay Dhaqaalaha iyo Horumarinta  Dhaqaalaha, daneeya oo wax ka qora dhaqanka (saqaafada), falsafadda iyo  arrimaha danta guud.    Ku Taxnaw Cambaabur Podcast,   SUBSCRIBE - LIKE - SHARE.   #AvalitesFoundation  #CambaaburPodcast
5/5/202156 minutes, 56 seconds
Episode Artwork

CABDIWAHAAB AL-MASIIRI: MAALMIHIISII IYO MUCDA FIKIRKIISII | RIDWAAN MAXAMUUD SHEEKH (MAYGAAG)

Cabdiwahaab Almasiiri (1938-2008) wuxu ahaa faylasuuf Masaari ah oo waxsoosaar badan, waxsoosaarkiisuna saamayn badanaa, noloshiisii iyo imikaba. Sidaas oo kale wuxu ahaa Indheergarad magiciisa iyo miisaankiisa aqooneed kaga qaybqaata masraxa guud. Qof ahaan Cabdiwahaab wuxu maray isbadallo rumayneed oo isku lid ah mararka qaar intii uu noolaa, raadna kaga tagay fikirkiisa.    Ridwaan Maxamuud Sheekh (Maygaag) ayaa jeedin muxaadaradan oo ciwaankeegu yahay: Cabdiwahaab Al-Masiiri: Maalmihiisii iyo Mucda Fikirkiisii.   #المسيري​ #Elmessiri​ #Avalites
4/26/202145 minutes, 20 seconds
Episode Artwork

QORMO CODEED - #1 | SAHANKA RAAGE: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Qormadan Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud ayaa curiyay, waxa lagu faafiyay Bandhige Sebtambar 01, 2020 iyada oo qoraal ah. Codkiisa isaga oo ku gudbinaya ayaan halkanna ku faafinaynaa iyada oo ah Qorm Codeed ah.  Halkan ka akhri: https://bandhige.com/maqaallo/sahanka-raage-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud Halkan kala xidhiidh qoraaga: https://www.facebook.com/abdirahman.adan.98
11/10/202013 minutes, 56 seconds
Episode Artwork

KACAANKA WARSHADAHA & CURASHADA BULSHADA CASRIGA | MUSTAFE FAYRUUS

Muxaadaradan ciwaankeedu yahay KACAANKA WARSHADAHA IYO CURASHADA  BULSHADA CASRIGA AH: Saamaynta Tiknoloojiyaddu ku Leedahay Nolosha  Aadamaha waxa ay qayb ka tahay silsiladda muxaadarooyinka Avalites  Foundation.   Macalin Mustafe Faysruus oo bare sare iyo baadhe ah ayaa ka jeediyay  Maktabadda Qaranka ee Soomaalilaan, 11 Sep 2020 ka.
10/12/20201 hour, 14 minutes, 31 seconds
Episode Artwork

QOFKA, BULSHADA IYO BARAHA BULSHADA: Fursado, Cillado iyo Cabsiyo | Ayaanle Hoorri & Cabdillaahi Raage "Sayidka" [PODCAST TEST #1]

Baraha bulashadu waa shaacsane (phenomenon) casri ah, baadhisyada ku sahabsani bilaw yihiin lakiin saamayn wayn oo baaxadda doodaha la xidhiidha ay taxanyhiin fiqiga diinta illaa falsafadda nolosha. Qaddiyado doodahaas la xidhiidha ayay Ayaanle Hoorri iyo Cabdillaahi Raage "sayidka" kaga sheekaysteen fadhigan. Waxa ka mid ah qaddiyadahaas  #1 Dimuqraadiyadda iyo Baraha bulshada,  #2 Caafimaadka nafeed ee qofka. xidhiidhada qoys iyo baraha bulshaad,  # 3 Amaanka xogta qofka iyo ta umaddeed xilligan ay xog ururinta aan abid hore u dhicin shirkada barasha bulshadu sameeyeen  # 4 Qumanaanta qofka iyo qaabka ay baraha bulshadu u saameeyeen, una qaabeeyeen qaab nololeedkiisa.  Baahitani waxa ay hordhac iyo tijaabo u tahay bodkaastiyo (PODCASTS) ay Avalites ay samayn doonto timaadada dhaw. Waxa aan ku rajowaynnahay in uu idin cajabiyo bodkaaskani, baahi wayna waxa aan u qabnaa aragtidiina.  DHAGAYSI WACAN. 
7/13/202048 minutes, 34 seconds
Episode Artwork

BEERTA XAWAYAANKA: GORFAYN - CABDILLAAHI RAAGE

Sheekada Beerta Xawayaanka ee uu curiyay qoraagii reer Ingiriis ee Joorj Orwil oo ka mid ah sheekooyinka dunnida kuwa ugu caansan ayuu Cabdillaahi Raage ku falanqeeyay 17 Ogtoobar 2017 kii Madasha Buugga oo ah koox Faysbuug oo buugta lagu wadaago, laguna falanqeeyo. Muuqaalkan oo ah kii sida tooska ah (live) uga baxay madasha ayaan mar kale halkan idinku la wadaagnay.  Dhagaysi wacan.
12/4/201945 minutes, 56 seconds
Episode Artwork

MAGAALAWGA IYO GABAY-JACBURKA DHOODAAN- AYAANLE HOORRI | Avalites Foundation

Muxaadaradan oo ka mid ah shaqooyinka Avalites Foundation waxa uu Ayaanle Hoorri ka jeediayay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.    Waxa uu awoodda saaray Ayaanle, gorfayntana ku Iftiimiyay:   - Sidee baynu ula falgali karnaa gabay-jacburka Dhoodaan,  - Muxuu se inooga bildhaamin karaa magaaloobiddii Soomaalida tobanlayaashii dambe ee qarnigii labaatannaad?  - Hannaanka gabay-jacburku (style) se ma noqon karaa alban aynu ka daawan karno waayihii jiray xilligaas?  - Albaynaynta gabay jacburka maxaa ku jabay?  - Ugu dambayn, maxay ka dhigan tahay in aynu ‘dhaxalno’, xilligan, gabay-jacburka Dhoodaan?  Dhagaysi wacan. 
12/4/20191 hour, 34 minutes, 51 seconds
Episode Artwork

SADDEX NAFOOD: GORFAYN - CABDILLAAHI RAAGE | AVALITES FOUNDATION

Kulankan oo ay soo agaasimatay AVALITES Foundation waxa uu ka qabsoomay xarunta Boorama Youth Job Center 07/Nov/2019 waxana lagu gorfeeyay muujinta dabaqadaha, shakhsiyadaha, dhaqan naqdinta iyo doodaha falsafadeed ee sheekada Ibraahim Hawd Yuusuf ee Saddex Nafood.   Qodobadda Gorfayntu Awoodda Saartay:   - Maxay macno leedahay in aan akhrino, wadar iyo qof ahaan ba, sheekafaneed Soomaaliyeed?    - Waayaheenu se muxuu ka dalbanayaa akhrinta sheekafaneeddan gaaban?    - Saddex Nafood ma noqon kartaa maaddo gorfayneed? Sidee bay se gorfayntaasi, dood ahaan, u eekaan kartaa?  AVALITES FOUNDATION waa haayad dhaqan (culture) oo awoodda saarta qofka iyo dheefta uu ka dhaxlayo shaqooyinka aqooneed.
12/2/20191 hour, 11 minutes, 47 seconds
Episode Artwork

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION (Trailer)

12/1/201957 seconds