Winamp Logo
Abubakar Mohammed Cover
Abubakar Mohammed Profile

Abubakar Mohammed

Somali, Arts, 1 season, 12 episodes, 3 hours, 44 minutes
About
Abubakar Mohammed is a Somali motivational speaker, author, preacher and a life-coach from the Netherlands. Along with his older brother Omar Mohammed, he became famous through online motivational speeches and short Islamic reminders. He published his first book Ku Raaxayso Noloshaada (Enjoy Your Life) in 2019, which was a great success within Somali communities worldwide.
Episode Artwork

Ka Farxi Dadka 6 - Ku Raaxayso Noloshaada

Qabta 6aad: Ka farxi dadka: In aad xiriir fiican la samaysid bulshada oo qalbigooda soo jiidatid ka farxisid, ayaa ah waddada ugu wanaagsan loo maro ku raaxaysiga nolosha. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa: Sida aad farxad ugu abuuri lahayd qalbiyada dadka kale. Sida aad u beddeli  lahayd dabeecadaha aan wanaagsanayn. Sida hadalkaaga aad ugu dari lahayd malab si dadka aad  u soo jiidatid. Waddada ugu wanaagsan ee lagu qurxiyo wajiga. Sida aad ku noqon lahayd qof dadka oo dhan ay jecelyihiin.
11/5/202232 minutes, 40 seconds
Episode Artwork

Raaxada Jirka 5 (Full) - Ku Raaxayso Noloshaada

Qaybta 5aad: Raaxada Jirka: Daryeelidda jirkaagu saamayn aad u weyn bay ku yeelataa ku raaxaysiga noloshaada. Nabiga scw wuxuu inoo tilmaamay in qofka naftiisa ay xaq ku leedahay. Qaybtani waxay si dhab ah kaaga caawin doontaa: Sida aad u daryeeli lahayd caafimaadkaaga. Sida aad ku heli lahayd dhammaan maaddooyinka jirka u baahanyahay. Sida aad u ilaalin lahayd nadaafadda jirkaaga. In aad maalin walba samaysid jimicsi fudud. In aad heshid hurdo kuugu filan iyo daawada hurdo la’aanta. In aad aaddid safar, si jirkaaga firfircooni u helo iyo faa’idooyinka uu leeyahay safarku.
11/3/202219 minutes, 11 seconds
Episode Artwork

Jaceylka Nabiga ee Xaasiskiisa - Ku Raaxayso Noloshaada

Waxaan ka xiran karnaa indhaha waxyaabaha aanan rabin in aan aragno, laakiin kama xiran karno qalbigeena, waxyaabaha aanan rabin in aan dareeno.
10/24/20228 minutes, 22 seconds
Episode Artwork

Raaxada Qalbiga 4 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

Waxa ugu weyn ee uu ku raaxaysto qalbigu, waa in uu helo jacayl joogta ah. Jacaylka waa waxa ugu quruxda badan ee la haysto. Sooma aad arkin marwalba oo aad fiirisid qofka aad jeceshahay, wajigaaga waxa ka muuqda farxad iyo dhoolla caddayn. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonaa: Sida Jacayl qurux badan loo dhiso. Sida Jacayl kaas quruxda badan loogu noolaado. Sida loo doorto lammaanaha mustaqbalka. Qofka sida dhabta ah kuu jecel waxyaabaha lagu garto. Bankiga jacaylku waa maxay? Sida uu Nabiga ula dhaqmi jiray xaasaskiisa. Qalbiga sida loo nadiifiyo.
10/24/202230 minutes, 19 seconds
Episode Artwork

Nimcada Alle - Ku Raaxayso Noloshaada

Ka faker waxa aad haysatid inta aadan ka fakerin waxyaabaha kaa maqan!
10/22/202216 minutes, 34 seconds
Episode Artwork

Ha is barbardhigin - Ku raaxayso Noloshaada

“Ahoow qofka adiga aad tahay. Faraxsanow kuna noolow noloshaada dhabta ah. Waxaa jira sabab uu illaahay kaaga dhigay sida aad tahay, kuu siiyay waxa aad haysato”
10/22/20227 minutes, 9 seconds
Episode Artwork

Raaxada Maskaxda 3 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

Inta aad nooshahay waxa ugu weyn oo farxad ama murug ku dareensiiya waa sida aad u fekerayso. Sababta aad ugu raaxaysan wayday noloshaada waa natiijad ka dhalatay qaabka liita ee aad u isticmaalayso maskaxdaada. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa: Sida loo oggaado waxa si dhab ahaan kuu farxad geliya. Sida aad u qaadan lahayd mas’uuliyadda nafsadaada. Sida ugu fiican ee loo dejiyo hadafyadaada iyo sida degdeg loogu gaaro hadaf kasta oo aad leedahay noloshaada. Sida aad ugu raaxaysan lahayd inta yar ee aad haysatid. Sida aad ku oggolaan lahayd noloshaada. Sida loo noqdo mid mar walba Alle u mahadceliya. Sida wax walba dhinaca wanaagsan loogu fiiriyo. In aadan is barbardhigin. Sida aad u ahaan lahayd qofka adiga aad tahay, una joojin lahayd saamaynta hadallada dadka.
10/22/202236 minutes, 45 seconds
Episode Artwork

Hooyooy Macaan - Abubakar Mohammed & Ilyas moa

Hooyooy Macaan  Adigaa aduunka I keenay Adigaa uurka igu qaaday Adigaa dhiigaaga nuugay Adigaa Ifka igu barbaarshay Hooyoy Abaalkaga Bini’adam gudi waayay Amaantaada hooyo waan soo koobi kari waayay Marka ku arko waan Ka maqsuudi la Murugadan qabee Hooyo macaan  Muuqaagu wuu Iga meydhi la Dhibtaan so maree Hooyo macaan Intan ka maqnay Waan magano Manfac iyo hurdaba Wayska maanacee hoyoo macaan Maa aragtida Waxay Ila mid tahay Anigoo makkah iyo madinaba tagoo Xajka soo maree Hooyo magan ilaah Markastaba ahow  Maamoy dhib aah Ila soo martee Miisaan xaq aah Lama maagi karee Mininkaa janada mowla haka dhigo Mamoy macaan mowla haka dhigo Allow Hooyo Hoygeeda Janada Fardowsa ka Yeel Allow Hooyo Hamigeda U Yeel Allow Hooyo Kitaabkeeda midig ka sii Allow ugu deeq farxad, caafimaad, cumri dheer, Allow Hooyo ugu Naxariiso siday yaraanteyda iigu naxariisan jirtay Maa aragtida Waxay Ila mid tahay Anigoo makkah iyo madinaba tagoo Xajka soo maree Hooyo magan ilaah Markastaba ahow  Maamoy dhib aah Ila soo martee Miisaan xaq aah Lama maagi karee Mininkaa janada mowla haka dhigo Mamoy macaan mowla haka dhigo
10/20/20223 minutes, 11 seconds
Episode Artwork

Raaxada Ruuxda 2 - Ku Raaxayso Noloshaada

Marka aan raadiyay waxa ay ku raaxaysato ruuxdu, waxaan oggaaday qofka kaliya oo ii sheegi kara jawaabtaas in uu yahay midka abuuray ruuxda iyo dadka oo dhan; Allaah, kadib waxaan ka baaray Qur’aanka iyo sunnada, waxaan oggaaday in ruuxda aysan raaxaysanaynin illaa marka ay u dhowaato midka abuuray, Allaah! Waxaan soo qaadan doonnaa qaybtan: Macaanka uu leeyahay iimaanka iyo sida aan u heli lahayn macaankaas. Raaxada salaadda laga helo iyo sida aad ugu raaxaysan lahayd salaadda. Deggenaanshaha qalbiga halka laga helo.
10/17/202217 minutes, 28 seconds
Episode Artwork

Ha Murugoon 1 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

Waxaan marka ugu horreeya ku billaabi doonaa safarkeenna quruxda badan ku raaxaysiga nolosha, in aan daawo u helno muruggada aan dareemayno. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonnaa: Sida aad maskaxdaada uga masaxi lahayd maalmo mugdi ah oo aad soo martay, uguna diyaarin lahayd maalmo nuur badan. Muhiimadda ay leedahay in aad noolaatid HADDA. Sida aad u qeexi (fahmi)  lahayd dhibaatada ku haysata. Sida aad ku oggaan lahayd asal ahaan halka ay ka timid dhibaatada. Waxyaabaha aad ku xallin karto dhibaatada. Ducooyin iftiiminaya noloshaada. Alle in uu kuu abuuray Farxad.
10/9/202237 minutes, 7 seconds